Xildhibaan sheegay in kooxda Villa Somaliya ay ku burburi doonto gacanta Gurguurte.

Sunday October 18, 2026 - 07:19:46
MeMO Staff
Fadhi ay xildhibaanno k atirsan golaha baarlamaanka daba-dhilifyada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho ayay uga hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa eedayn kulul ujeediyay Xasan Gurguurte oo ay dusha uga tuureen in mas'uul ka yahay dib u dhacyada isku raac-raacay Villa Soomaaliya.

Cabdiladiif Sanyare oo warbaahinta lahadlay ayaa carrabaabay in haddii Xasan Gurguurte ku adkeysto waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ay kala dareeri doonaan daba-dhilifyada Soomaaliya.

Wuxuu tusaale usoo qaaday in dib usoo rogaal celinta hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhalatay siyaasad xumo iyo qar-iska-xoornimada Xasan Gurguurte sida uu uhadalka udhigay.

Isagoona ka shanqariyay in Aadan Madoobe uu kasoo cararay magaalada Baydhabo sababa laxiriira weerarada sii xoogeysanaya ee halkaasi ka dhacayay isbuucyadii lasoo dhaafay.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco Telegram & Twitter:
https://x.com/WararkaSomalida

Related Items

Update cookies preferences